Talibaan Oo Cagta Marisay Saldhig Ciidan Melleteri oo Afghanistan Kuyaal.

Thursday October 11, 2018 - 09:04:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talibaan Oo Cagta Marisay Saldhig Ciidan Melleteri oo Afghanistan Kuyaal.

    Dhanka wadanka Afghanistan Dagaal Culus oo Lagu dilay Askar Fara Badan Oo Katirsan Xukuumadda Kaabul Ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Bartamaha Dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhanka wadanka Afghanistan Dagaal Culus oo Lagu dilay Askar Fara Badan Oo Katirsan Xukuumadda Kaabul Ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Bartamaha Dalkaasi.



Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dagaal culus ku qaaday saldhig weyn oo maleeshiyaatka dowladda Dabadhilifka ah ay ka sameysteen degaan hoostaga degmada Dah-yak oo ka tirsan Wilaayada Gazni ee Bartamaha dalka Afghanistan.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa khasaara culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Xukuumadda Daba dhilifka Kaabul, iyadoo ugu dambeyntii ciidamada Mujaahdiiinta Dhaalibaan ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta saldhigaasi.



Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in dagaalkaasi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan 30 isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka uu hogaamiyo Ashraf Ghani.

Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa dagaalkan ku qaniimeystay 8 gaari oo isugu jira noocyada kala duwan ee dagaalka, 5 kamid ahna ay yihiin gawaarida mareykanku ugu deeqay maleeshiyaadka xukuumada ee loo Yaqaan Hamvi, iyo Saanad military oo kala duwan, halka sidoo kale isla saldhigan gudahiisa ay ku gubeen ilaa 9 gaari oo 4 kamid ah ay yihiin gawaarida Hamviiga loo yaqaan ee Americanku ay isticmaalaan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada difaaca cirka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan deegaan ka tirsan Wilaayada Meydan Work ee bartamaha dalkaasi ay kusoo rideen mid ka mid ah diyaaradaha duuliye la'aanta oo ay leedahay dowlada Mareykanka taasi oo xilligii lasoo ridayay ku howlaneed howlo basaasnimo ah.

Xoogaga Taliban ayaa sare uqaadday weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul waxayna Talibaan isku dayaysaa in ay wiiqdo ciidamada dowladda ka hor inta uusan Donald  Trump dib u eegis ku sameyn siyaasaddiisa dagaalka wadanka Afghanistan.

SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items