Akhriso: 5 Nin Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Saakoow Ee Jubbada Dhexe.

Thursday October 11, 2018 - 18:45:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: 5 Nin Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Saakoow Ee Jubbada Dhexe.

    Fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay Kooxo Jawaasiis ah oo maxkamad islaami ah ay dil ku xukuntay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay Kooxo Jawaasiis ah oo maxkamad islaami ah ay dil ku xukuntay.

Qaadiga Maxkamadda oo boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka Maxkamaddu soo saartay ayaa sheegay in shanta Nin ee latoogtay ay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenaya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab waxay sheegtay in dhammaan Ragga maanta lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagusoo eedeeyay ee ah in ay ubasaasayeen dhinacyo shisheeye.


Hoos ka Akhri Magacyada Jawaasiista Saakoow lagu dilay


1-Cabdi Raxmaan Xuseen Max'med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Max'med Yuunus Mad Keer
5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.


Maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Xarakada Al Shabaab ay magaalada Jilib ugu dishay illaa 5 ruux oo ay ku eedeysay in ay ubasaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items