Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Qabsaday Magaalada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan.

Thursday October 11, 2018 - 15:26:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Qabsaday Magaalada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan.

    Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya oo isbuucyadii lasoo dhaafay safar ku marayay wadada laamiga ah ee gobolka Hiiraan weeraro iyo qaraxyana lakulmayay ayaa gaaray degmada Jalalaqsi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya oo isbuucyadii lasoo dhaafay safar ku marayay wadada laamiga ah ee gobolka Hiiraan weeraro iyo qaraxyana lakulmayay ayaa gaaray degmada Jalalaqsi.

Wararka ka imaanaya bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamo Jabuutiyaan ah ay gudaha ugaleen degmada Jalalaqsi oo qiyaastii 140 Km ujirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goob jooge ku sugan magaalada Jalalqsi ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in ciidamada Itoobiya ay magaalada ka degeen dhanka galbeed iyo dhanka Bari.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan ay magaalada ka daabuli doonaan gaadiid gaashaaman iyo saanado melleteri oo horay ay u heysteen ciidamada Jabuuti halka warar kale ay sheegayaan in ay bedeli rabaan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.


Sedaxdii isbuuc ee lasoo dhaafay ayuu habqabka ciidanka Itoobiya wuxuu daadsanaa wadada laamiga ah ee isku xirta Beled Weyne iyo Buula Burde waxayna weeraro dhabbagallo ah iyo qaraxyo kala kulmayeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Waa Markii ugu horraysay ee taariikhda oo ciidamo Itoobiyaan ah ay qabsadaan degmada Jalalaqsi balse waxaa magaaladan horay u ixtilaalay ciidamo isugu Jira Burundeys iyo Jabuutiyaan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items