Sawirro: Dowladda Federaalka Oo Maxkamadeysay Ciidamo Ubabac Dhigi Waayay Weerarada Al Shabaab.

Saturday October 13, 2018 - 11:00:35 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dowladda Federaalka Oo Maxkamadeysay Ciidamo Ubabac Dhigi Waayay Weerarada Al Shabaab.

    Xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda deegaannada xeebta ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Hoose ayay maleeshiyaadka dowladda Federaalka kasii firxanayaan goobta dagaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda deegaannada xeebta ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Hoose ayay maleeshiyaadka dowladda Federaalka kasii firxanayaan goobta dagaalka.

Sedaxdii isbuuc ee lasoo dhaafay dagaallo culus oo ay barbar socdeen qaraxyo ayaa ka dhacayay wadada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee Sh/Hoose.

Dagaallada ayaa billoowday kadib markii ciidamo uu wato Jeneraal Caanood ay qabsadeen magaalada Xeebta leh ee Marka ayna isku dayeen in ay isku furaan wadada xeebta ah balse waxay lakulmeen dambinno halis badan leh oo ay udhigeen dagaalyahannada Al Shabaab.

Ugu yaraan 10 gaari oo nuuca dagaalka iyo kuwa xamuulka isugu jira ayaa lagu gubay wadada xeebta ah, Al Shabaab oo adeegsanaysa dagaalka Jabhadeynta ah ayaa ku guuleysatay in ciidamada dowladda ay wadada ka xirto,


Dhinaca kale boqolaal kamid ah ciidamada DF-ka oo ku qornaa furinta dagaalka magaalada Marka iyo tuulooyinka hoos yimaad ayaa bilaabay in ay isaga firxadaan jiidda dagaalka kadib markii ay awoodi waayaan in ay wajahaan dagaalyahannada Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo farabadan ay hubka iska dhigeen ayna ku dhuumaaleysanayaan qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho halka kuwa kale gacanta lagu dhigay oo lagu hayo xeryo kuyaal deegaanka Jaziira.

Maxkamadda ciidamada DF-ka waxaa kasoo muuqday 12 askari oo ku eedeysan in ay kasoo carareen furinta dagaalka deegaanka Dhanaane ee duleedka Marka.

Garsooraha maxkamadda ayaa askari walba ku xukumay 5 sano oo shaqa ciidan ah balse maxkamaddu kama hadlin masiirka boqolaal askari oo kasoo firxaday jiidda dagaalka kadibna dib ugu laabtay noloshii shacabnimada.

Ciidamada  Al Shabaab oo ku dagaallamaya caqiiqdo islaami ah ayaa ubabac dhigaya ku dhowaad 100-kun oo askari shisheeye ah oo Soomaaliya kusoo duullay oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in ciidamadoodu aysan laheyn Caqiiddo dagaal halka Al Shabaab ciidamadoodu ay himo sare leeyihiin oo ay aaminsanyihiin in haddii jidka Alle lagu dilo ay Jannno gelayaan.

 Sawirrada qaar kamida ciidamada jiidda dagaalka ka baxsaday ee la maxkamadeeyay



Related Items