Daawo Video: Duufaanta Lubaan Oo Saameyn Ba'an Uga tagtay Wadanka Yemen.

Tuesday October 16, 2018 - 11:54:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Duufaanta Lubaan Oo Saameyn Ba'an Uga tagtay Wadanka Yemen.

    Wadanka Yemen waxaa looga dhawaaqay in xaalad dhibaata ah ka jirto mid kamida gobollada wadankaasi ugu waaweyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Yemen waxaa looga dhawaaqay in xaalad dhibaata ah ka jirto mid kamida gobollada wadankaasi ugu waaweyn.



Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in Duufaanta loogu magac daray Lubaan ayaa sababtay khasaara lixaad leh oo aan lafilayn.

Guddoomiyaha gobolka Almahrah ayaa ku dhawaaqay in xaalad dhibaata ah ay kajirto gobolkiisa kadib markii duufaanta Lubaan ay reebtay musiibo gallaafatay kaabayaashii muhiimka ahaa ee gobolka.

Wararku waxay sheegayaan in Roobab daadad wata oo saacado badan ka da'ayay gobolka ay sababeen in magaalooyinka qaar biyahu ay la tagaan waxaana bakhtiyay kumanaan neef geel ah halka gaadiid iyo dukaamo ganacsi ay daadadku qaadeen.



Raajax Saciid Baakriit oo ah guddoomiyaha gobolka ayaa iclaamiyay in dhibaato kajirto gobolka isagoona gargaar degdeg ah ka codsaday dowladaha carabta iyo waxa loogu yeero Q.Midoobe.

Wuxuu sheegay in ay go'een waddooyinkii muhiimka ahaa ayna cilladoobeen garoomadii diyaaraduhu kasoo degi jireen, xukuumadda taakta daran ee Yemen kajirta ayaa iyana xaqiijiyay in gobolka Almahra uu yahay meel macluul kajirto.

Duufaanta Lubaan oo cagta soo marisay wadamada Cummaan iyo Sacuudiga ayaa dhibaatada ugu daran ka geysatay Yemen.
Kumanaan kun oo qoys ayaa hoy la'aan ah kadib markii daadadka duufaanta ka dhashay ay guryahooda la tageen, gobolkan dhibaatadu kajirto ayaa xuduud la wadaaga dowladaha Cummaan iyo Sacuudiga.

Hoos Daawo Video-ga


Related Items