Dowladda Sacuudiga Oo Qiratay in Ay Mas'uul ka aheyd Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

Saturday October 20, 2018 - 09:15:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo Qiratay in Ay Mas'uul ka aheyd Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

    Markii ugu horraysay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qiratay in ay dishay Wariye Jamaal Khashoggi iyadoona shaqada ka Cayrisay mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

15 sarkaal ayaa ku eedeysan dilka Wariye Jamaal
Markii ugu horraysay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qiratay in ay dishay Wariye Jamaal Khashoggi iyadoona shaqada ka Cayrisay mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.


Dacwad soo oogaha guud ee dowladda Sacuudiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Jamaal Khashoggi uu ku dhax dhintay qunsuliyadda dowladdiisa ee magaalada Istanbuul balse wuxuu si yaab leh usheegay qaabkii ay dhimashadu u dhacday "Murun dhaxmaray Khashoggi iyo shakhsiyaad ku qaabilay qunsuliyadda ayaa isku bedelay gacan ka hadal feer ah taas oo keentay in uu dhinto Muwaadin Jamaal Khashoggi" ayuu yiri dacwad soo oogaha guud ee Sacuudiga.


Dowladda Sacuudiga waxay shaacisay in ay xirxirtay illaa 18 mas'uul oo dhammaantood loo heysto in ay ku lug lahaadeen dilka Khashoggi ayna socdaan baaritaanno.

Sidoo kale waxaa shaqadii uu hayay laga Eryay Axmed Caseyri oo ahaa ku xigeenkii Taliyaha Sirdoonka Sacuudiga iyo Sacuud Alqaxdaani oo ku magacaawnaa lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Aala Sacuud.

Riwaayadda Sacuudiga ee ah in Khashoggi Feer lagu dilay ayaa ah mid aan lagu qanci karin sida ay sheegeen senetarro katirsan dowladda Mareykanka, baaritaannada lasameeyay ayaa muujinaya in Jamaal Khashoggi Miinshaar lagu dilay kadibna Meydkiisa lajarjaray uuna ahaa fal uu soo agaasimay Max'med  Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga ahna wasiirka difaaca.

Qiraalka ka yimid dowladda Sacuudiga ayaa larumeysanyahay mid aan gacan ka geysan karin cadaadiska dhaqaale iyo midka diblumaasiyadeed ee uga imaanaya dowladaha reergalbeedka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items