Daawo Video: Wasaaradda Haweenka dowladda Federaalka Soomaaliya Oo durtay Guurkii Nabi Muxamed SCW iyo Culimo Ka Jawaabtay.

Saturday October 20, 2018 - 12:55:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Wasaaradda Haweenka dowladda Federaalka Soomaaliya Oo durtay Guurkii Nabi Muxamed SCW iyo Culimo Ka Jawaabtay.

    Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah looga hadal hayaa xeer Zina faafiye ah oo dhowaad ay soo saartay wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul insaanka dowladda Fedeeaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah looga hadal hayaa xeer Zina faafiye ah oo dhowaad ay soo saartay wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul insaanka dowladda Fedeeaalka.

Xeer Sheydaaneedkan ayaa duraya guurkii Nabigeena Maqaamka sare leh ee Muxamed صلى الله عليه وسلم  wuxuuna xeerko suuq geyn u sameynayaa Zinada iyo dhillaysiga xaaraanta ah.

Qoraal ay faafisay wasaaradda Haweenka ayaa lagu sheegay in qofku uu ku qaan gaarayo 18 sanadood islamarkaana ay mamnuuc tahay in ragga iyo dumarka isguursadaan iyagoo aan 18 sanadood gaarin waxaana lagu yiri "labada Jinsi ee doonaya in ay isguursadaan waa in ay ahaadaan qaangaar sida ku xusan Dastuurka qabya qoraaleedka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah 18 sanadood"!.


Sidoo kale xeerkan ay soo saartay wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ayaa si aan gambasho laheyn ubaneynaya Zinada waxaana lagu xusay in labada qof ee doonaysa in ay xaalad jinsi sameeyaan looga baahanyahay oo kaliya ogolaashiyo laakin aysan muhiim aheyn in ay nikaax sharci ah soo maraan.

Hindise qoraaleedkan oo horyaal xildhibaannada Baarlamaanka ayaa isla simaya guurka xalaasha ah iyo Kufsiga wuxuuna wax walba oo ku saabsan Nin iyo naag isku tagaya sharci uga dhigay ogolaashiyo labada jinsi ka yimaada.

Wasaaradda arrimaha haweenka ayaa ku dhiiratay in ay wax ka sheegto guurkii Nabigeenka Muxa'med SCW  waxayna aad u buun buunisay wax ay ugu yeertay xeerka Jinsiga qaranka xataa waxay baneysay in raggu ragga wax ka dayi karaan islamarkaana Ninku xaaskiisa uga tagi karo meel aan aheyn meeshii shareecadu Jideysay.

Wuxuu u muuqday Xeer lagusoo diyaariyay waddamada reergalbeedka kadibna loosoo dhiibay xukuumadda Xasan Cali Kheyre Madaxda ka yahay.

Culimaa'udiin ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa shir ay yeesheen si kulul uga hadlay arrintan diinka baxa ah ee Dowladda Federaalka ay suuq geynayso waxayna culimadu mid mid isku dul taageen xumaantii kasoo yeertay wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Halkan ka degso Bayaanka culimada ama Hoos Ka Daawo


Related Items