Cabdi Ileey oo Ku Fashilmay in uu Ka Baxsado Xabsi kuyaal Magaalada Addis Ababa.

Saturday October 20, 2018 - 10:44:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Ileey oo Ku Fashilmay in uu Ka Baxsado Xabsi kuyaal Magaalada Addis Ababa.

    Booliska Federaaliga dowladad Itoobiya ayaa xaqiijiyay in laga hortagay isku day uu ku baxsan rabay Cabdi Ileey madaxweynihii hore ee gobolka Somaligalbeed oo ah gobol gummeysi kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Federaaliga dowladad Itoobiya ayaa xaqiijiyay in laga hortagay isku day uu ku baxsan rabay Cabdi Ileey madaxweynihii hore ee gobolka Somaligalbeed oo ah gobol gummeysi kujira.

Cabdi Ileey ayaa habeenkii khamiista isku dayay in uu ka baxsado xabsi ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo isagoo gacan ka helaya saraakiil katirsan sirdoonka Itoobiya oo kasoo jeeda qowmiyada Tigreega.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo boqolaal ah lagu daadiyay xabsigi uu ku xiranyahay Cabdi ileey si looga feejignaado isku day kale oo uu ku baxsado.

Dowladda Itoobiya ayaa marba xabsi cusub ku xirta Cabdi Maxamed Cumar oo loo heysto dambiyo ah in uu ku kacay xukuumadda Abiy Axmed Madaxda ka yahay iyo in uu dad shacab ah laayay, maxkamad kutaal magaalada Addis Ababa ayuu dhowr mar kasoo muuqday balse illaa iyo hadda go'aan lagama gaarin kiiskiisa.


Saraakiisha Booliska Itoobiya ayaa rumeysan in Cabdi ileey uu taageerayaal badan ku dhax leeyahay dad horay ulasoo shaqeeyay dowladdii uu madaxda ka ahaa R/wasaarihii halaagsamay ee Males Zenawi oo ay saaaxiiba ahaayeen.

Ehellada Cabdi ileey ayaa iyana wali ku sugan magaalada Addis Ababa waxayna lacago kumanaan kun dollar ah siinayaan qareenno Itoobiyaan ah si ay udifaacaan ugana ridaan dhammaan dambiyada loo heysto ee ah in uu shacab xasuuqay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items