Dhageyso: Ciidamada Shisheeye oo 48 Saac Gudahood 8 Qof Ku Dilay Soomaaliya.

Saturday October 20, 2018 - 22:07:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Ciidamada Shisheeye oo 48 Saac Gudahood 8 Qof Ku Dilay Soomaaliya.

    Ciidamada shisheeye ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka Soomaaliya ayaa sare uqaaday xasuuqa ay ugeysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore shacab lagu xasuuqay Jubbada dhexe
Ciidamada shisheeye ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka Soomaaliya ayaa sare uqaaday xasuuqa ay ugeysanayaan shacabka Soomaaliyeed.


48 saacadood gudahood ayey ciidamadan ku dhowaad 10 qofood ku dileen gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Khamiistii lasoo dhaafay ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa laba carruur ah gaari gaashaaman ku jiirsiiyay degmada Balcad oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho waxaana falkaas dhaawac halis ah ku noqday Oday da' ah.

Magacyada dadka Taangiga lajiirsiiyay ayaa kala ah


1-Axmed cabdulle Nuur wuxuu ahaa saqiir 12 sana jir ah
2-Aadan Maxamed Axmed wuxuu ahaa qaangaar kor u dhaafay 15 sanadood

Halkan ka dhageyso Waalidiinta dadka lagu dilay Baclad oo warbaahinta lahadlay MP3

Ciidamada Gummeysiga Kenya ayaa iyana deegaan katirsan gobolka Gedo ku dilay sedax carruur ah halka laba qof waayeella ah ay dhaawaceen.

Deegaanka Birmiile oo hoos taga Faafaxdhuun ayuu falkaan naxdinta leh ka dhacay, labada qof ee dhaawacmay ayaa waalid u ahaa sedaxda carruurta ah ee ciidamada Kenya ay toogashada ku dileen

Mid kamida dadka deegaanka ayaa warbaahinta uga warramay xasuuqii ciidanka Kenya geysteen Halkan Guji si aad u dhageysato MP3

deegaanka Buula Xaaji oo qiyaasti 90 Km ujira magaalada Kismaayo habeenkii Jimcaha duqeyn ay diyaarad Drone ah ka geysatay waxaa ku dhintay illaa sedax qof oo xoola dhaqata ah.

Magacyada dadka dhintay ayaa kala ah

1-Mahad Xasan Aadan oo haa 30 sana jir wuxuu ifka uga tagay xaas iyo laba carruur ah
2-Mowliid Cali Shuuriye ahaa 33 sana Jir wuxuu ifka uga tagay xaas iyo shan carruur ah
3-Cabdi Shakuur Max'med Xaaji Cali wax guur ah sooma marin

Halkan ka degso Dad duqeynta Ka Badbaaday oo warbaahinta lahadlay ama hoos ka dhageyso



isku geyn dadka shacabka ah ee ciidamada shisheeye duqeymo iyo taangi jiirsiin ku dileen 2 maalmood gudahood ayaa gaaraya 8 qof iyo dhaawaca afar kale.

illaa iyo haddana madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin oo waa ka aamusanyihiin waxaaba dhici karta in ay sheegtaan mas'uuliyadda weeraradan shacabka lagu xasuuqay ayna ku sheegeen weeraro argagaxiso lagu laayay sida horay looga bartay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items