Sawirro: Diyaaradaha Mareykanka Oo 75 Qof Ku Dilay Masjid Kuyaal Wadanka Suuriya.

Sunday October 21, 2018 - 10:36:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Diyaaradaha Mareykanka Oo 75 Qof Ku Dilay Masjid Kuyaal Wadanka Suuriya.

    Tobanaan qof shacab ah ayaa ku dhintay xasuuq hor leh oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen magaalo katirsan wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof shacab ah ayaa ku dhintay xasuuq hor leh oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen magaalo katirsan wadanka Suuriya.


Tirada dadka ku dhintay duqeymo dhacay maalmihii khamiista iyo Jimcaha ayaa korortay waxayna gaartay 75 qof sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka.

Duqeynta ugu khasaaraha badan ayaa maalintii Jimcaha ka dhacday Masjid Jaamaca Cuthmaan Bin Cafaan ee magaalada Alsuusah ee dhacda Bariga wadanka Suuriya, duqeynta ayaa beegsatay jamaacada masjidka xilli ay dukanayeen Salaadda Jimcaha.


Goob joogayaal ayaa sheegay in Meydadka 35 qof lagasoo aruuriyay gudaha Masjidka halka banaanka masjidka ay ku dhinteen dad kale, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer gantaallo lahelay masjidka.

Sidoo kale duqeymo ayaa lagu beegsaday Masjidka Cammaar Bin Yaasir ee isla magaalada Alsuusah, guddiga caafimaadka magaalada ayaa sheegay in dhaawacyada qaar ay aad uliitaan waxaana dhici karta in qaar badan ay dhintaan.

Fal dambiyeedkan uu geystay isbaheysiga caalamiga ah ee ku duullay Suuriya iyo Ciraaq majirto cid ka ha dashay wuxuuna caalamku ku mashquulsanyahay wax ka sheegidda qadiyadda dilka Nin saxafi calmaani ah oo lagu magacaabo Jamaal khashoggi.



SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items