Gaashaanlle Faarax Waasuge "Al Shabaab 34 Qarax Ayay Nagu Beegsatay intii aan Ku Socdaalaynay inta udhaxaysa Beled Weyne iyo Buula Barde" VIDEO.

Sunday October 21, 2018 - 11:18:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaashaanlle Faarax Waasuge "Al Shabaab 34 Qarax Ayay Nagu Beegsatay intii aan Ku Socdaalaynay inta udhaxaysa Beled Weyne iyo Buula Barde" VIDEO.

    Isbuucyadii lasoo dhaafay ciidamada Xabashida itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa weeraro dhabbagal ah lagula beegsanayay wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Beled Weyne iyo Buula Barde ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbuucyadii lasoo dhaafay ciidamada Xabashida itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa weeraro dhabbagal ah lagula beegsanayay wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Beled Weyne iyo Buula Barde ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarada oo isugu jiray qaraxyo iyo iska hor'imaadyo fool ka fool ah ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada huwanta ah.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa ku guuleystay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ay ku go'doomiyaan magaalooyinka Buula Burde iyo Halgan, muddo sanado  xiriir ah ayay ciidamada shisheeye aysan sahayda isugu gudbinayn dhanka dhulka waxayna isticmaalaan diyaaradaha Q.Midoobe.


Kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa ku guuleysan waayay in ay isku furtaan wadada laamiga ah ee gobolka Hiiraan taas oo waxba kama jiraan ka dhigtay muhiimaddii ay ka lahaayeen duullaankooda.

Gaashaanlle Sare Faarax Cali waasuge oo ah Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa qiray in qaraxyadii ugu badnaa ay Alshabaab la beegsatay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beled Weyne ayuu ka sheekeeyay  inta weerar ee ku qabsatay wadada laamiga ah isaguna uu goob joog u ahaa  balse wuxuu isku dayayay in uu yareeyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Taliyaha ayaa muujiyay xaddiga weerarada uu goob joogga u ahaa wuxuuna carrabka ku adkeeyay in intii uu ciidamada Itoobiya ku wehlinayay socodka galab iyo subax ay weeraro lixaad leh kala kulmayeen xoogaga Shabaabul Mujaahidiin oo dagaalka waddooyinka ku dhiig bixiyay ciidamada shisheeye.


Halkan ka degso Caddeymaha uu bixiyay Taliye Waasuge ama Hoos ka Daawo



Related Items