Dagaallo Dhaxmaray Muslimiinta iyo Kirishtaanka Nigeria Oo Sababay Dhimashada 55 Qof.

Sunday October 21, 2018 - 20:30:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Dhaxmaray Muslimiinta iyo Kirishtaanka Nigeria Oo Sababay Dhimashada 55 Qof.

    Tobanaan qof ayaa ku dhintay dagaallo dib uga qarxay wadanka Nigeria ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa ku dhintay dagaallo dib uga qarxay wadanka Nigeria ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 55 qof  dhinteen kadib markii ay dagaal gorodda islagaleen muslimiinta aqlabiyadda ku ah wadanka iyo kooxaha Nasaarada aqaliyadda ah.

Maxmed Bukhaari oo ah madaxweynaha Nigeria ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ku dhowaad 60 qof ay ku dhinteen iska hor'imaadyo xooggan oo maalin ka hor ka dhacay gobolka Kaduna ee dhaca waqooyiga wadanka.


Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in iska hor'imaadyada ugu khasaaraha badan ay ka dhaceen suuqa degmada Kaaswaan halkaas oo mar qura lagu dilay 40 qof oo badan dadka Kirishtaanka ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in meel 50Km ujirta Kaduna lagu arkay Meydad saacado kadib markii ay isku dhacyadu soo gaba gaboobeen, Axmed Cabdi Raxmaan oo ah taliyaha Booliska gobolka Kaduna ayaa warbaahinta u sheegay in ay xireen 22 qof oo looga shakiyay in ay kiciyeen colaadda dhaxmartay Muslimiinta iyo Kirishtaanka.

Madaxweynaha Nigeria ayaa ugu baaqay dhinacyada dirirtu udhaxayso in ay colaadda joojiyaan isagoo ballan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan xallinta wixii dhacay.

Nigeria oo kamid ah wadamada ugu  waaweyn qaaradda Afrika waxaa sanad walba ka dhaca rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha kala duwan ku dhinta kumanaan qof sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items