Farmaajo Oo Shariif Sakiin Ku Wajahya Cabdi Caziiz Lafta Gareen iyo Xuseen Uur-Kuus [Warbixin].

Monday October 22, 2018 - 12:56:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Shariif Sakiin Ku Wajahya Cabdi Caziiz Lafta Gareen iyo Xuseen Uur-Kuus [Warbixin].

    Magaalada Baydhabo waxaa ka socda xifaaltan dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeya shakhsiyaad dadaal ugu jira sidii ay majaraha ugu qaban lahaayeen maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shariif Sakiin ayaa ah siyaasi Xabashida aad ujecel
Magaalada Baydhabo waxaa ka socda xifaaltan dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeya shakhsiyaad dadaal ugu jira sidii ay majaraha ugu qaban lahaayeen maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka ayay magaalada Baydhabo gaareen siyaasiyiin dhowr ah oo doonaya in ay buuxiyaan shuruudaha musharraxa laga doonayo.

Mukhtaar Rooboow oo kamid ah ragga sida aadka ah udoonayo in ay hoggaamiyaan maamulka dabadhilifka Koonfur Galbeed ayaa lakulmaya ciriiri gelin.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay magaalada geysay gaadiid nuuca aysan xabaddu karin ah iyo ciidamo si aad ah utababaran.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaadiidkaas ay isticmaali doonaan laba musharrax oo Villa Somalia ay maalgelinayso loona badinayo in midkood uu ku guuleysan doono.

Diyaarad nuuca xamuulka ah ayaa garoonka Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka daabushay illaa afar gaari oo ah nuuca loo yaqaan (Bulletproof) waxaana gaadiidkaas lageeyay magaalada Baydhabo.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa doonaya in Shariif Sakiin oo ah siyaasi galaangal badan ay ku wajahaan laba musharrax oo kala ah Cabdi Caziiz Lafta Gareen iyo Xuseen Uur-Kuus oo horay usoo noqday taliyaha Nabad sugidda.

Waxaa beenoobay warar horay usoo baxay oo sheegayay in DF-ka ay wadato siyaasi Fargeeti oo horay usoo noqday wasiirka maaliyadda,Fargeeti ayaa la sheegay in uu aad ugu dhowyahay Xasan Gurguurte sidaas darteed aysan aamini karin Kooxda Nabad iyo Nolol labaxday ee majaraha uheyso maamulka Villa Somalia.

Doorashada ka dhici doonto magaalada Baydhabo 17 Novemver 2018 ayaa xasaasiyad gaar ah u leh dhinacyada dabadhilifyada ah ee isku haya xarig jiidka siyaasadda Soomaaliya.

Golaha iskaadhiga maamul goboleedyada oo loollan dhanka siyaasadda ah kula jira DF-ka ayaa awoodooda isugu geynaya sidii markale uu shariif Sakiin u noqon lahaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items