Xildhibaano "DF-ku Waxay Bulshada Wadajir Ula Dhaqantay Sida Yahuudu U Gasho Falastiin" Daawo Video.

Wednesday October 24, 2018 - 12:23:57 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano "DF-ku Waxay Bulshada Wadajir Ula Dhaqantay Sida Yahuudu U Gasho Falastiin" Daawo Video.

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay hawl gallo ay dorraad ciidamada dowladda ka sameeyeen xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay hawl gallo ay dorraad ciidamada dowladda ka sameeyeen xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.


Hawlgallada oo ahaa kuwa lagu burburinayay dhismayaal degaan ayay  khasaare kasoo gaartay dadkii degganaa kuwaas oo qaarkood ladilay qaarna hantidoodii cagta la mariyay.

Xildhibaanno uu hor kacayo Wasiirkii hore ee Aminiga C/rasaaq Maxamad ayaa sheegay in dowladdu hawlgalkan ku dishay afar qof oo qaraabo ah sidoo kalana bulshada ula dhaqantay sida Yahuudu u gasho shacabka Muslimka ah ee reer Falastiin.

Waxay arrintan ku eedeeyeen Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo Wasiirka Amniga iyagoo sheegay in arrintan looga golleeyahay in dadka la barakiciyo kadibna dhulkooda lala wareego iyadoo lagu marmarsiyoonaya mashruuca loogu magac daray Argagaxiso ladirirka.



Halkan ka degso Video-ga ama Hoos Ka Daawo


Related Items