Washington Oo Sheegtay in Ay Xayiraad Saarayso 21 Mas'uul Sacuudiyaan Ah.

Wednesday October 24, 2018 - 15:19:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington Oo Sheegtay in Ay Xayiraad Saarayso 21 Mas'uul Sacuudiyaan Ah.

    War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in xayiraado dheeri ah iyo cunaqabateymo lagusoo rogayo 21 mas'uuliyiin Sacuudiyaan ah oo ku lug lahaaday shirqoolkii lagu dilay wariyen Jamaal Khaashuqji.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in xayiraado dheeri ah iyo cunaqabateymo lagusoo rogayo 21 mas'uuliyiin Sacuudiyaan ah oo ku lug lahaaday shirqoolkii lagu dilay wariyen Jamaal Khaashuqji.

Mareykanku ma sheegin magacyada mas'uuliyiinta xayiradda lagusoo rogayo iyo jagooyinka ay ka hayaan dowladda Sacuudiga balse wuxuu ku gaabsaday in  cunaqabateymo ay u diyaariyeen 21 Sacuudiyaan ah oo ay ku caddaatay in ay maleegeen shirqoolkii Wariyaha lagu dilay.

Mike Pompeo oo ah wasiirka arrimaha dibadda ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Washington iyo Baasaboorrada mas'uuliyiinta Sacuudiyaanka ah laxayiri doono ayna dareemi doonaan cadaadis dhan walba ah.


Donald Trump ayaa isna jeediyay hadallo is khilaafsan oo ku saabsan sida dowladdiisu ula dhaqmayso Max'med Bin Salmaan Dhaxal sugaha Aala Sacuud oo larumeysanyahay in uu mas'uul ka ahaa dilkii wariyaha mucaaradka Jamaal Khaashuqji.

Trump ayaa kiiskii lagu dilay wariyaha ku sifeeyay midkii ugu xumaa ee laysku dayo in laqariyo abid wuxuuna muujiyay in ay cunqabateymo saari doonaan Sacuudiga haddii ay ku cadaato in ay falkaas mas'uul ka ahaay.

War shalay kasoo baxay Madaxweynaha Turkiga Erdogaan ayaa cadaadis hor leh saarayay madaxda Sacuudiga wuxuuna ugu baaqay in Booliska Istanbul ugacan geliyaan 18 sarkaal oo ku eedeysan in si bahalnimo ah ay udileen saxafi Jamaal Khaashuqji.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items