Erdogaan Oo Dowladda Sacuudiga Weydiiyay halka ay ku qarinayso Meydka Wariye Jamaal Khaashuqji.

Saturday October 27, 2018 - 10:46:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogaan Oo Dowladda Sacuudiga Weydiiyay halka ay ku qarinayso Meydka Wariye Jamaal Khaashuqji.

    Madaxweynaha dowladda Turkiga ayaa dowladda Sacuudiga ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo wareejiso meydka wariyihii sida xun loogu dilay qunsuliyadda magaalada Istanbul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Turkiga ayaa dowladda Sacuudiga ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo wareejiso meydka wariyihii sida xun loogu dilay qunsuliyadda magaalada Istanbul.

Erdogaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ankara ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo waafi ah oo muujinaya in mas'uuliyiin katirsan dowladda Sacuudiga ay amreen dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji.

Madaxda Sacuudiga ayuu ugu baaqay in ay wasasradda arrimaha gudaha Turkiga usoo gacan geliyaan 18-kii sarkaal ee ku lug lahaaday dilkii Wariyaha islamarkaana ay meel ku sheegaan Meydka Jamaal Khaashuqji si loosoo gaba gabeeyo baaritaannnada.

Hoggaamiyaha dowladda dabadhilifka Turkiga ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxda Sacuudiga oo uu sheegay in ay isku dayeen ka beesn sheegidda qaabkii uu udhacay dilka Khaashuqji.


Soo helidda Meydka wariyaha ayaa la rumeysanyahay in uu banaanka soo dhigi doono xaqiiqda ay qarinayso dowladda Sacuudiga, maamulka Riyaadh ayaa lakulmay fadeexad weyn kadib markii ay beeniyeen in ladilay wariyaha mucaaradka ah balse markii dambe ayay qirteen in si kam ah loo dilay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items