Iska Hor'imaadyo Khasaara Dhaliyay Oo Maleeshiyaad Ku Dhaxmaray Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Saturday October 27, 2018 - 19:14:01 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor'imaadyo Khasaara Dhaliyay Oo Maleeshiyaad Ku Dhaxmaray Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta ka qarxay xaafado katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta ka qarxay xaafado katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Ugu yaraan Afar qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal culus oo ka dhacay xaafadda Calanleey.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhax qarxay maleeshiyo daacad u ah Axmed Madoobe iyo maleeshiyo beeleed hubeysan oo diiday in hub ka dhigis lagu sameeyo.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa weeraray maleeshiyaad ku socdaalayay xaafadda Calanleey wuxuuna weerarkaasi isku bedelay dagaal saacado badan qaatay.


Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay madaafiic ku garaaceen guri uu Nin Oday dhaqameed ah uu ka deganaa xaafadda Calanleey.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan waxaana gelinkii dambe ee maanta gudaha Kismaayo lagu arkayay gaadiidka dagaalka oo goobihii lagu dagaallamay  kusii qulqulaya.

Dhinaca kale iska hor'imaad khasaara dhaliyay ayaa ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray isgoyska Saybiyaano ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Ciidamo uu wato Jeneraal Sheegow ayaa isku dayay in ay xoog ku maraan bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah falkaas oo keenay iska hor'imaad.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items