11 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Gobolka Pennsylvania.

Saturday October 27, 2018 - 20:41:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    11 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Gobolka Pennsylvania.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo markale ka dhacay gudaha wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo markale ka dhacay gudaha wadanka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 11 qof American ah ay dhinteen kadib markii toogasho ay ka dhacday meel ku dhow macbad ay dad Yahuud ah ku sugnaayeen.

Nin hubeysan ayaa dad ku laayay magaalada Pittsburgh oo katirsan gobolka Pennsylvania, saraakiisha booliska waxay sheegeen in toogashadu ka dhacday fagaaraha weyn ee lagu magacaabo Squirrel Hill gaar ahaan meel aan ka fogeyn macbad ay Yahuuddu ku kulmaan.

Warbaahinta Mareykanka waxay sheegtay in dadka ladilay 2 kamid ah yihiin ciidamo Boolis ah, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay weerarka ka dhacay magaalada Pittsburgh ayaa shacabka ugu baaqay in ay taxadaraan.


Xilligii toogashadu dhacaysay ayay dad Yahuud ah Cibaado gaaleed ku sameynayeen macbad kuyaal halka loo yaqaan Squirrel Hill, sanad walba boqolaal qof ayaa gudaha Mareykanka ugu dhinta toogashooyin ay geystaan rag hubeysan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items