Gaas Oo Taliyaal Cusub Magacaabay Kuwa Kalane Shaqada Ka Eryay.

Sunday October 28, 2018 - 16:23:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaas Oo Taliyaal Cusub Magacaabay Kuwa Kalane Shaqada Ka Eryay.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa shaqadii ay hayeen ka eryay saraakiishii ugu sarraysay ciidamada maamulkiisa kadib markii ay mucaaradeen qaabka uu wax uwado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa shaqadii ay hayeen ka eryay saraakiishii ugu sarraysay ciidamada maamulkiisa kadib markii ay mucaaradeen qaabka uu wax uwado.

Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in shaqada laga Eryay Jeneraal Sacii dheere oo muddo sanada ah hayay xilka taliyaha ciidamada Daraawiishta sidoo kale waxaa la eryay taliyihii Booliska.

Cabdi Weli Gaas ayaa u magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Puntland ,Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse halka taliyaha ciidamada Daraawiishta loo magacaabay Sarreeye Guuto Cabdi Shukri Cabdullaahi Xuseen.

Wareegtada Gaas ayaa lagu amray taliyaasha cusub in ay si sax ah ugutaan xilalka loo magacaabay, Jeneraal Saciid Dheere ayaa shaqadiisa waayay kadib markii uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax utaagan xilka madaxtinimada maamulka Puntland.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in askar iyo saraakiil larukhseeyay oo lagu eedeeyay in ay duminayeen maamulka Puntland ay si hoose ula shaqeynayeen dowladda Federaalka waxayna saraakiishaas ka amar qaaanayeen Cabdi Xakiin Cameey oo ah ku xigeenka Gaas.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items