188 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Wadanka Indonesia.

Monday October 29, 2018 - 10:25:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    188 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Wadanka Indonesia.

    Wararka ka imaanaya wadanka Indonesia ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhinteen kadib markii ay diyaarad rakaab burburtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Indonesia ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhinteen kadib markii ay diyaarad rakaab burburtay.


Wakaaladda Baaritaannada iyo Badbaadada dowladda Indonesia ayaa xaqiijisay in ay burburtay diyaarad rakaab ah oo ka duushay magaalada caasimadda ah ee Jakaarta kunasii jeedday magaalada Bankaal ee Jaziiradda Somodrah.

Diyaaradda oo nuuceedu ahaa Boeing 737MX8 waxaa la socday 188 rakaab ah waxaana loo malaynayaa in ay ku dul burburtay Badweynta Hindiya sida ay sheegayaan warar hordhac ah.


Yuusuf Ladiif oo ah Afhayeenka wakaaladda Baaritaannada iyo Badbaadada Indonesia ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraddu lumisay xiriirkii ay lalaheyd aalladda Raadaarka 13 daqiiqo kadib markii ay hawada gashay saacaddu markii ay ku beegneed 6:20 aroornimo waqtiga Maxalliga Indonesia.

Shirkadda ay ukiraysneed diyaaradda burburtay oo lagu magacaabo Lione Air ayaa sheegtay in wali aysan helin wax macluumaad ah oo ku saabsan halka diyaaraddu ku dhacday iyo xaaladda ay ku suganyihiin dadkii rakaabka ahaa ee la socday.

Shilkan ayaa imaanaya bil kadib markii musiibo kumanaan qof ku dhinteen ay ka dhacday Jaziiradda  Sulawesi  ee wadanka Indonesia kadib markii dhul Gariir aad u xooggan ku dhuftay dhowr magaalo ayna ku dhinteen ku dhowaad laba kun oo qof.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items