Daawo Video: Cabdi Faarax Juxa Oo Sheegay in Dowladda Federalka ay labaxday magac Cusub!

Monday October 29, 2018 - 10:30:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Cabdi Faarax Juxa Oo Sheegay in Dowladda Federalka ay labaxday magac Cusub!

    Dowladda Federalka ayaa noqotay dowladdii ugu magacyada iyo naaneysyaha badnayd, waxaana ay dadka Soomaalidu u yaqaanaan magacyo ay iyadu la baxday iyo kuwa ay shacabku u bixiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federalka ayaa noqotay dowladdii ugu magacyada iyo naaneysyaha badnayd, waxaana ay dadka Soomaalidu u yaqaanaan magacyo ay iyadu la baxday iyo kuwa ay shacabku u bixiyeen.


Hadda waxaa cusub magac aanan horey loo aqoon oo ay dolwaddu la baxday sida uu sheegay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Juxa oo dad badan kula hadlayay Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in dowladdu la baxday maaca ah "Waa markii ugu horreysay” isagoo tusaale usoo qaatay in madaxda dowladda ay caado ka yeesheen in mar walba oo ay khudbeynayaan ay yiraahdaan (waa markii ugu horreysay”.

"Dowladdu waxay la baxday naaneysta ah waa markii ugu horreysay oo nala aqoonsado, waa markii ugu horreysay oo Roob da’o, waa markii ugo horreysay oo meel cagaar ah lasoo arko, waa markii ugu horreysay, waa markii ugu horreysay” sidaasi waxaa yiri Juxa oo jilayay sida ay u khudbeeyaan Farmaajo iyo Kheyrre.



DF ayaa waxaa ay horey ula baxday Nabad iyo Nolol, waxaana ay dad weynuhu magacaasi u beddeleen Naxdin iyo Nabar. Sidoo kale waxaa madaxda DF loo bixiyay Bilaash xeytayaal iyo kuwa kale.

Isha qoraalka: Amiirnuur.com

Halkan ka degso Caddeymaha uu Wasiir Juxa Bixiyay ama Hoos Ka Daawo



Related Items