Mid Kamida Ergadii Soo Xushay Xildhibaannada Baarlamaanka DF Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Monday October 29, 2018 - 12:54:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Ergadii Soo Xushay Xildhibaannada Baarlamaanka DF Oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Rag hubeysan ayaa maanta gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay Mid kamida ergadii soo xushay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore dil ka dhacay Muqdisho
Rag hubeysan ayaa maanta gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay Mid kamida ergadii soo xushay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka.


Wararka laga helayo gudaha Bakaaro ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay xoogag hubeysan dileen Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Nuur Kheyre oo kamid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka ee ka yimid dhanka maamulka 'Galmudug'.

Goob joogayaal ayaa sheegay in raggii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen waxaana markii dambe goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah balse wax dabagal ah kuma sameyn xoogagii wax dilay.


Dhinaca kale Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda falka lagu dilay Nuur Kheyre oo ay ku tilmaamtay Murtad ka qeyb qaatay soo xulidda xildhibaannada Daawiidda sida ay baahisay Idaacadda lagu magacaabo Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items