R/Wasaaraha Itoobiya Oo Booqasho Ay Uga Billaabatay Wadanka Faransiiska.

Tuesday October 30, 2018 - 11:47:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Itoobiya Oo Booqasho Ay Uga Billaabatay Wadanka Faransiiska.

    Abiy Axmed oo ah Madaxa xukuumadda Itoobiya ayay booqasho uga bilaabatay magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska waana isku day uu ku doonayo in uu wadamada qaaradda Yurub uga gado mashruuciisa isbedel doonka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abiy Axmed oo ah Madaxa xukuumadda Itoobiya ayay booqasho uga bilaabatay magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska waana isku day uu ku doonayo in uu wadamada qaaradda Yurub uga gado mashruuciisa isbedel doonka ah.

Socdaalkan waxaa ku wehliya shan kamid ah golihiisa wasiirrada sida wasiirrada arrimaha dibadda, Maaliyadda iyo hal abuurka, Emmanuel Macaron oo ah madaxweynaha Faransiiska ayaa wafdiga Itoobiyaanka ah ku qaabilay qasriga Elysee ee faransiiska looga arrimiyo.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay ka go'antahay ka qeyb qaadashada sugidda ammaanka gobolka geeska Afrika, Emmanuel ayaa R/wasaaraha Itoobiya uballan qaaday in uu ka qeyb qaadan doono in uu guul darro dhaxalsiin doono jamaacaadka Jihaadiga ah sida uu hadalka u dhigay.


Abiy Axmed ayaa markii uu xilka qabtay wuxuu booqashooyin isdaba joog ah ku tagay wadamo reergalbeed ah iyo kuwa carabta wuxuuna suuqeyn usameynayaa mashruuciisa uu ku sheegay islaaxinta geeska Afrika.

Dowladaha Faransiiska ayaa kamid ah dowladaha lacagaha malaayiinta Dollar ah ku bixiya duullaanka ay ciidamada shisheeye ku qaadeen dalka Soomaaliya sidoo kale Faransiiska ayaa agaasimaya dagaalka islaam ladirirka ah ee ka socda mandiqadda saaxilka galbeedka Afrika.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items