Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Duleedka Muqdisho Lagu Dilay.

Tuesday October 30, 2018 - 12:52:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Duleedka Muqdisho Lagu Dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa xalay deegaanka Siinka dheer ku dilay mid kamida saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa sarkaalka rasaas kala helay qeybta sare ee jirkiisa taas oo sababtay in uu isla goobta ku geeriyoodo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagii weerarka geystay ay horay usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay sarkaalka ladilay, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Dilalka ka dhanka askarta iyo saraakiisha ka dhanka ah ayaa si joogta ah uga dhaca degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaannada hoos yimaad.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items