Video: Wasiirad Yahuud Ah Oo Gashay Masjidka Ugu Weyn Wadanka Imaaraatka Carabta.

Wednesday October 31, 2018 - 08:24:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Wasiirad Yahuud Ah Oo Gashay Masjidka Ugu Weyn Wadanka Imaaraatka Carabta.

    Mary Regev oo kamida golaha Wasiirada Yahuudda ayaa iyada iyo wafdi la socday si heer sare ah loogusoo dhoweeyay wadanka imaaraatka cabata.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mary Regev oo kamida golaha Wasiirada Yahuudda ayaa iyada iyo wafdi la socday si heer sare ah loogusoo dhoweeyay wadanka imaaraatka cabata.

Munaasabad ka dhacday qarsiga boqortooyada imaaraatka ayaa xaflad gaar ah loogu sameeyay wafdiga yahuudda, telefeshinka dowladda imaaraatka ayay kasoo muuqatay haweenaydan oo lootumayo astaanta maamulka Yahuudda iyadoo ilimeynaysa kuna faraxsan sida loo kareemeeyay.

ayay tiri "illin ayaa wajigeyga qoysay oo waad ujeedaan kadib markii halkaan oo Abu Dubai ah laygugu tumay astaanta calanka israa'iil runtii waa wax lagu faano".

Wasiiradda dhaqanka iyo ciyaaraha Yahuudda intaas kuma ekaysane waxay dalbatay in ay gasho masjidka ugu weyn wadanka imaaraatka carabta ee lagu magacaabo alsheykh Zaayad.


Video lagu baahiyay baraha internetka waxaa kasoo muuqanayay haweenayda Yahuudda ah oo gudaha masjidka ku lugeynaysa iyada iyo wasiirro katirsan dowladda dabadhilifka imaaraatka carabta.

waxaa loogu labisay cabaayad si loogu ekaysiiyo dumarka muslimaadka ah "kani waa masjidka ugu weyn imaaraatka carabta oo aan maanta ku dhax socdo waa farriin muujinayso walaaltinimo iyo nabad..nabad ayaan urajeynayaa dhammaan dadka carabta" ayay hadalkeeda sii raacisay.

Waxa aheyd ihaano loo geysanayay muqadasaadka muslimiinta,kuwa dabadhilifyada ah ee xoogga ku haysa dhulalka muslimiinta ayaa gaaladii gelinaya masaajidda waxayna qeyb ka yihiin xamlada islaam ladirirka ah ee lagu qaaday caalamka islaamka.

R/wasaaraha Yahuudda ayaa qoraal uu dhigay bartiisa Twitterka wuxuu aad u bogaadiyay sida wasiiradiisa loogusoo dhoweeyay imaaraatka carabta wuxuu soo hadal qaaday masjidka ay gashay Meeri Rigiif oo uu ku sifeeyay mid muujinaysay nabadda ka islaaxday bariga dhexe sida uu hadalka u dhigay.

Halkan ka degso Video-ga ama Hoos ka daawo



SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items