Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Saldhigyo Ka Sameystay Degmada Guriceel Ee Gobolka Galguduud.

Wednesday October 31, 2018 - 12:07:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Saldhigyo Ka Sameystay Degmada Guriceel Ee Gobolka Galguduud.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ay saldhigyo ka sameysteen deegaan ay maamulaan maleeshiyaadka Mushrikiinta ee Ahlusunna isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ay saldhigyo ka sameysteen deegaan ay maamulaan maleeshiyaadka Mushrikiinta ee Ahlusunna isku magacaabay.

Boqolaal katirsan ciidamada gummeysiga Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saldhigyo ka sameysteen gudaha iyo hareeraha deegaanka Guriceel oo kamid ah meelaha ugu istiraatiijisan Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka kala tagay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beled Weyne ayaa deegaanka Guriceel kula kulmay saraakiisha maamulka Kooxaha Mushrikiinta oo xiriir soo jireen ah uu horay ugala dhaxeeyay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tagitaanka ciidamada Itoobiya ee Guriceel uu qeyb ka yahay dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo uu Axmed Shaakir guddoomiyaha kooxaha mushrikiinta  
ka sameeyay Dhuusamareeb kadib markii uu ku fallaagoobay maamulka Galmudug garabka Xaaf oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Federaalka.


10-kii sanadood ee lasoo dhaafay ayay ciidamada Xabashida Itoobiya ku sugnaayeen magaalooyinka ku teedsan wadada laamiga ah ee gobolka Galguduud  waxayna garab iyo gaashaan u yihiin kooxaha dabadhilifyada ee sheegta Ahlusuna kuwaas oo uu dhisay Males Zanawi R/wasaarihii halaagsamay ee Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in dhammaan degmooyinka iyo deegaannada dhaca Bariga Galguduud ay xur ka yihiin gummeysiga waxaana kajira maamullo islaami ah sida magaalooyinka Ceelbuur,Ceeldheer iyo Galhareeri.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items