Al Shabaab Oo Weerartay Mid Kamida Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Gobolka Sh/Hoose.

Wednesday October 31, 2018 - 12:12:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerartay Mid Kamida Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Gobolka Sh/Hoose.

    Iska Hor'imaadyo xooggan ayaa markale ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska Hor'imaadyo xooggan ayaa markale ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Danoow ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay fiidkii halkaas ku dhaxmaray ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaalka oo socday ku dhowaad hal saac ayaa bilaawday kadib markii ciidamada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Danoow.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items