Qaraxyo 2 Gaari looga Gubay Ciidamo American iyo Soomaali Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Wanllaweyn.

Wednesday October 31, 2018 - 19:33:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo 2 Gaari looga Gubay Ciidamo American iyo Soomaali Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Wanllaweyn.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay Jubbada Hoose
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh/Hoose.
Ugu yaraan laba gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa lagu gubay laba qaraxa oo ciidamo American iyo Soomaali ah lagula beegsaday deegaanka Warmaxan ee hoos taga degmada Wanwallaweyn.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxiga ay haleeleen kolonyo gaadiid ah oo ka yimid dhanka garoonka diyaaradaha Baligdoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ka joogaan Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii maanta gelinkii dambe dhacay lala beegsaday sedax gaari oo ciidamo Bangaraaf ah la socdeen balse laburburiyay 2 gaari halka mid kale uu si dirqi ah uga baxsaday goobta.


Goob joogayaal ayaa sheegay in goobta qaraxyadu ka dhaceen ay soo gaareen ciidamo farabadan kuwaas oo daabulay meydadkii iyo dhaawacyadii gaaray ciidamadii qaraxyada lala helay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items