Taliyaha Booliska degmada Cabdi Casiis "Dumar Wacallo Sida Ayaan ka Aruurinaa Xeebta Liido" Video.

Thursday November 01, 2018 - 11:14:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska degmada Cabdi Casiis "Dumar Wacallo Sida Ayaan ka Aruurinaa Xeebta Liido" Video.

    Waxaa isisoo taraya walaaca laga muujinayo fisqiga iyo Fasahaadka kajira xeebta Liido ee magaalada Muqdisho oo isku bedeshay meel ay isugu tagaan dumarka Jirkooda ka ganacsada iyo Rag Zunnaad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isisoo taraya walaaca laga muujinayo fisqiga iyo Fasahaadka kajira xeebta Liido ee magaalada Muqdisho oo isku bedeshay meel ay isugu tagaan dumarka Jirkooda ka ganacsada iyo Rag Zunnaad ah.

Maalinba maalinta ka dambeysa ayay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho dirayaan qeylla dhaan ku aaddan halista kasoo socota Hoteellada kuyaal Xeebta Liido halkaas oo lagu anshax xumeeyo dhalinyarada rag iyo dumar intaba.

Bishii lasoo dhaafay Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Jawaahir Baarqab oo ku magacaabay guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir ayaa si iskumid ah uqiray in anshax xumo baahsan ay kajirto xeebta Liido.


Hoggaanka dowladda Federaalka ayaa xayeysiis usameeya Xeebta Liido oo ay ku sheegaan meel muuqaal ka bixinaysa dimuquraadiyadda kajirta dalka Soomaaliya!, taas oo macnaheedu tahay in dowladda Federaalka ay 'Beesha Caalamka' ka gadeyso faaxishada.

Kuwa faafinta Zinada qeybta ka ah waxaa kamid ah wasiirro,xildhibaanno iyo shaqaale dowladda katirsan oo badankood qurba joog ah kuwaas oo lagu arko iyagoo dumar lasii gelaya Hotellada kuyaal xeebta Liido iyo hotellada ku hareeraysan wadada Makka Al-mukarrama.

Caddeymo hor leh oo uu bixiyay Taliyaha ciidanka Booliska degmada Cabdi Casiis ayuu uga sheekeeyay foolxumada kajirta xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in dumarka lagu faraxumeeyo hotellada xeebta kuyaal islamarkaana ciidamada Booliska ay dumar  ilma wacalla ah sida ka aruuriyaan liido si aysan badda ugu ridin.

Saraakiisha Booliska degmada Cabdi Casiis waxay sheegayaan in ay qabteen tobanaan dumar uurleh kuwaas oo damcay in ay ku dhalaan xeebta kadibna ilmaha aaba la'aanta ah ku daadiyaan badda!.

Taliyaha oo Hoteel kuyaal degmada Cabdi Casiis kula hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si qota dheer uga hadlay falalka anshax xumo ee kajira magaalada Muqdisho, wuxuu carrabaabay in marka lagaaro gelinka dambe ee maalin kasta  ay xeebta tagaan gabdho kuwaas oo jirkooda ka ganacsanaya waxayna latumayaan rag ubadan qurba joog dibadaha lagusoo anshax xumeeyay.

Wuxuu sharraxaad ka bixiyay goobaha ugu xun ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan  wuxuuna carabaabay laba Hoteel  iyo baarar kuyaal Liido "ciidamada Booliska marwalba xeebta Liido waxay ka aruuriyaan dumar Uur leh oo ilma wacalla ah sida kuwaas oo doonaya in marka ay umulaan ilmaha ku daadiyaan badda taasina waa dambi weyn" ayuu yiri Taliyaha.

Dhacdooyinka yaabka leh ee uu ka sheekeeyay waxaa kamid ah in gabdho yaryar lageeyo maqaayadaha Liido kadibna lasiiyo maandooriyayaal ay kamid yihiin shiishad xashiish leh iyo  waxa loo yaqaan Taabuugga kadibna marka ay miir daboolmaan xummaan idilkeed lagu sameeyo.

Taliyaha Booliska degmada Cabdi Casiis ayaa waalidiinta Muqdisho ku eedeeyay in ay dayaceen gabdhahooda oo marka ay jaamacadaha iyo iskuullada udiraan aan dabagal ku sameyn taas oo keentay in gabdho badan oo waxbarasho lagu ogaa ay aadaan xeebta Liido halkaasna lagu faraxumeeyo oo ay uur xaaraan ah qaadaan.

Yariisoow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bishii lasoo dhaafay amray in Hotellada Liido la xiro marka lagaaro lix saac habeennimo arrinkaas oo qeyb weyn kasii qaadanaya faafinta fasahaadka.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku beegsatay xeebta Liido waxayna xarakadu sheegtay in weeraradaas ay uga hortagayso faafinta fuxshiga Liido.


Halkan ka degso Taliyaha Booliska Cabdi Casiis oo ka sheekaynayo xumaanta Liido ka jirta ama Hoos Ka Daawo



Related Items