Diyaarad Gaadiid Nuuca Aan Xabaddu Karin Ka Dejisay Magaalada Garoowe iyo iska Hor'imaad ka Dhacay Boosaaso.

Thursday November 01, 2018 - 19:17:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Diyaarad Gaadiid Nuuca Aan Xabaddu Karin Ka Dejisay Magaalada Garoowe iyo iska Hor'imaad ka Dhacay Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in israsaaseyn xooggan ay ka dhacday maanta gelinkii dame saacado kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen Nabadoon caan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in israsaaseyn xooggan ay ka dhacday maanta gelinkii dame saacado kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen Nabadoon caan ah.



Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsiga Minjir oo ay gacanta ku hayeen ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka weerarka qaaday ay ku guuleysteen in ay Nabadoon Cabdu Qaadir Xarago kasii daayaan Xabsiga waloow saacado kadib uu isagu isgeeyay xabsiga.

Xiisado ka dhashay xarig uu maamulka Boosaaso ugeystay Nabadoonka ayaa wali ka taagan magaalada, taliyaha booliska gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay in falal ammaan darro ay sababeen maleeshiyaadka weeraray saldhigga Booliska Minjir.



Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegay in diyaarad xamuul ah ay ka dajisay gaari nuuca xabaddu karin ah, diyaaradda oo ka duushay magaalada Muqdisho ayaa garoonka Garoowe geystay gaari uu leeyahay Musharraxa lagu magacaabo Maxamuud Khaliif Xasan oo Jabiye ku magac dheer.

Diyaaraddan waa isla diyaaraddii isbuuc ka hor magaalada Baydhabo ka dajisay gaadiid nuuca aan xabaddu karin ah oo ay isticmaalayaan musharrixiinta ay wadato DF-ka.

Maamulka Cabdi Wali Gaas illaa iyo hadda kama hadlin diyaaradda gaariga ka dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, bishii lasoo dhaafay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa maamul goboleedyada lagu amray in ay doorashooyinka ku qabtaan waqtiga lagu ballamay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items