5 Hoggaamiye Oo lagasii Daayay Xabsiga Guantánamo Bay ayaa Dib Ugu Biiray Xarakada Taliban.

Thursday November 01, 2018 - 19:58:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Hoggaamiye Oo lagasii Daayay Xabsiga Guantánamo Bay ayaa Dib Ugu Biiray Xarakada Taliban.

    Mas'uuliyiin sarsare oo katirsan imaarada islaamiga Afghanistan oo muddo sanada ah ku xirnaa xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guantánamo Bay ayaa si buuxda xuriyadoodi dib ugu helay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin sarsare oo katirsan imaarada islaamiga Afghanistan oo muddo sanada ah ku xirnaa xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guantánamo Bay ayaa si buuxda xuriyadoodi dib ugu helay.



Wargeyska New York Times oo soo xiganaya mas'uuliyiin mareykan ah ayaa sheegay in 5 kamid ah hoggaamiyaasha Talibaan oo uu kamid yahay hoggaamiye Melleteri ay dib ugu laabteen sufuufta xarakada.

Wararku waxay sheegayaan in 5-tan hoggaamiye oo horay loogusii daayay heshiis maxaabiis isweydaarsi oo dhaxmaray Taliban iyo mareykanka ay hadda si xuriyad leh unool yihiin ayna qeyb ka qaadanayaan jihaadka ay hoggaaminayso Imaarada islaamiga ah.



Dowladda dabadhilifka Qadar oo dhax dhaxaadinaysay labada dhinac ayaa dhankeeda sheegtay in uu dhaqan galay heshiiskii maxaabiis isweydaarsiga ahaa ee dhaxamaray mujaahidiinta imaarada islaamiga ah iyo dowladda mareykanka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in shantan hoggaamiye ee lagasii daayay Guantánamo Bay ay ka shaqa bilaabeen xafiiska siyaasadda imaarada islaamiga ah ee magaalada Dooxa taas oo ka dhigan in xuriyadooda ay si buuxda u helaan.

Mareykanka iyo imaarada islaamiga ah ayaa sanaddii 2014 isdhaafsaday maxaabiis waxaana xilligaas lasii daayay askari american ah oo muddo sanada ah gacanta mujaahidiinta kujiray balse Mareykanka ayaa xabsi guri kusoo rogay saraakiisha Taliban.

illaa iyo hadda Hoggaanka Xarakada Taliban kama hadlin sii daysmada Hoggaamiyaashan caanka ah, bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray baaqyo wadahadal lagu dalbanayay oo ka imaanaya madaxda xukuumadda Kaabuul iyadoona xarakada Taliban ay gaashaanka udaruurtay taas bedelkeeda ay ogolaatay in ay gorgortan lagasho dowladda Mareykanka sidii ay ciidamadeeda ugala bixi laheyd wadanka.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items