Taliye Khaliif Max'med Tahliil iyo Askar ilaala u aheyd oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho.

Friday November 02, 2018 - 10:59:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Khaliif Max'med Tahliil iyo Askar ilaala u aheyd oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho.

    Ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weerar aad u xooggan ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya uga sugnaayeen gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax gaari lagu gubay oo Muqdisho ka dhacay
Ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weerar aad u xooggan ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya uga sugnaayeen gudaha magaalada Muqdisho.



Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexey ayaa lagu beegsaday Saldhigga ciidamada ee Shaleemo Cabdi Waayeel ee degmada Huriwaa waqooyiga magaalada Muqdisho.

Iska Hor'imaad xooggan oo muddo saacada ah socday ayaa labada dhinac ku dhaxmaray gudaha saldhigga iyo wadada laamiga ah ee aadda isgoyska SOS.

Wararka laga helayo degmada Huriwaa ayaa sheegaya in markii dagaalku soo idlaaday kadib ay ciidamada DF-ka isku dayeen in ay dabagal ku sameeyaan xoogagii Al Shabaab ee weerarka qaaday balse waxay lakulmeen qarax khasaara badan dhaliyay.



Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qarax Miino uu haleelay ciidamada waxaana ku dhintay illaa Afar askari oo uu kamid ahaa taliyihii ciidamada ka howlgala wadada Warshadaha.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxii xalay askarta ku dhimatay uu kamid ahaa sarkaal caan ka ahaa degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa kaas oo lagu magacaabi jiray Khaliif Max'med Tahliil.

Sarkaalka ladilay ayaa caan ku ahaa raafidda dhalinyarada deegaanka oo uu ku eedeyn jiray la shaqeynta waxa loogu yeero Argagaxisada.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogagii Al Shabaab ee weerarka ka geystay saldhigga Shaleemo Cabdi Waayeel ay si nabad ah dib uga gurteen goobta dagaalka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items