Sheekh Abu Taliban Oo Lagu Dilay Gudaha Wadanka Pakistan.

Saturday November 03, 2018 - 10:50:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Abu Taliban Oo Lagu Dilay Gudaha Wadanka Pakistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Pakistan ayaa sheegaya in dablay hubeysan ay dishay mid kamida culimaa'udiinka ugu caansan wadankaasi kaalin weyna ku lahaa baraarugga islaamiga ah ee mandiqadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Pakistan ayaa sheegaya in dablay hubeysan ay dishay mid kamida culimaa'udiinka ugu caansan wadankaasi kaalin weyna ku lahaa baraarugga islaamiga ah ee mandiqadda.

Saraakiisha Booliska Pakistan ayaa xaqiijiyay in magaalada Rawalpindi lagu dilay Mowllaana Samiicul Xaq oo caan ku ahaa magaca (Abu Taliban), warbaahinta maxalliga ah waxay sheegtay in sheekha Minddi lagu dilay halka saraakiisha Booliska ay sheegayaan in rasaas lagu dilay.

Mowlaana Samiicul Xaq wuxuu madax ka ahaa Madarasada alxaqqniyah ee waqooyiga Pakistan dhacda waxaana la sheegaa in uu ahaa sheekhii gaarka ahaa ee  Mulla Max'med Cumar Amiirkii hore ee Xarakada Taliban.


Abuu Taliban ayaa Macallin usoo noqday Kumanaan arday daalabul cilmi ah oo badankood ka jihaadaya wadanka Afghanistan sida ay sheegayaan warbixinnada lagu daabacay Wargeysyada Pakistan.


Magaca Abu Taliban ayaa sheekha ugu baxay sababa laxiriira isagoo macallin u ahaa Kumanaan arday ah oo baraarugga islaamiga ah si weyn usaaqay kuwaas oo ciidamadii gumeysiga Ruushka iyo kuwa Mareykanka kula dagaallamay Afghanistan.

Sheekha ayaa dhowr mar xabsiga ladhigay xilliyadii uu Pakistan Maamulayay Jeneral Musharaf oo wada shaqeyn lalahaa dowladda Mareykanka qeyb weynna kulahaa Ololihii ka dhanka ahaa madaarista diiniga ah iyo gobollada Qabaa'illadu degaan ee Pakistan.

Illaa iyo hadda lama oga cidda dishay sheekhan 80 sana Jirka ah balse wuxuu dilkiisu imaanayaa waqti dibad baxyo ballaaran ay gilgileen Pakistan oo loogasoo horjeedo go'aankii ay maxkamad maxalli ah kusii daysay haweenayd aflagaadeysa Nabigeena Muxamed SCW.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items