Dowladda Kenya Oo sheegtay iney weli dareemeyso halis Amni oo uga imaaneysa Al-Shabaab.

Saturday November 03, 2018 - 11:24:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya Oo sheegtay iney weli dareemeyso halis Amni oo uga imaaneysa Al-Shabaab.

    Kenya oo kumanaan askari ay ka joogaan qaar kamid ah gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in todobo sano kadib ay weli xaqiijin ahdaaftii ay ugu duushay dalka Soomaaliya oo ay ku sheegtay iney ahayd in amaanka dalka Kenya la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya oo kumanaan askari ay ka joogaan qaar kamid ah gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in todobo sano kadib ay weli xaqiijin ahdaaftii ay ugu duushay dalka Soomaaliya oo ay ku sheegtay iney ahayd in amaanka dalka Kenya la adkeeyo.


Aadan Barre Ducaale oo ah gudoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya oo waraysi siiyay mid kamid ah Idaacadaha Reer-galbeedka ayaa shaaca ka qaaday in weli aysan xaqiijin ujeedooyinkii todobo sano kahor ay ugu duuleen dalka Soomaaliya.

Aadan ayaa sheegay in weli dalka Kenya ay ka dhacaan weeraro abaabulan oo ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada ciidamada Kenyaatiga, shaqaalaha dowladda iyo Nasaarada xooga ku degan dhulalka Muslimiinta.



Ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan Soomaaliya ayaa weli fadhiya halkii todobo sano kahor ay qabsadeen, waxayna taasi muujineysaa inaaney awood u lahayn iska caabinta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Aadan Ducaalana wuxuu qiray in ciidamadooda ay hadda xooga saaraan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya.

Mar la waydiiyay xilliga ay ka baxayaan wadanka Soomaaliya ayuu sheegay iney bixi doonaan marka ugu horeyso ee ay gaaraan dahana gumeysi ee ay usoo duuleen.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items