Video: Dowladda Federaalka Oo Lacago Laaluush Ah Siinaysa Xildhibaannada Maamulka ' Koonfur Galbeed'.

Saturday November 03, 2018 - 11:40:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Dowladda Federaalka Oo Lacago Laaluush Ah Siinaysa Xildhibaannada Maamulka ' Koonfur Galbeed'.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare uqaadday faragelinta siyaasadeed oo ay ku hayso maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed oo kamid ah Golaha iskaashiga maamullada ee xiriirka ujaray Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare uqaadday faragelinta siyaasadeed oo ay ku hayso maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed oo kamid ah Golaha iskaashiga maamullada ee xiriirka ujaray Villa Somalia.
Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa ka socda abaabul aad u xooggan oo Farmaajo iyo Kheyre ay ugu jiraan sidii musharrax dhankooda ujanjeera uu ugu guuleysan lahaa doorashooyinka soo socda.

Video lagu faafiyay baraha Internetka waxaa kasoo muuqanayay saraakiil katirsan sirdoonka dowladda Federaalka oo lacago kumanaan kun dollar ah Hoteello kuyaal Muqdisho ugu qeybinaya xildhibaanno katirsan Koonfur galbeed iyo Odayaal dhaqameedyo si ay codadka ugu shubaan musharraxa dowladdu wato.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaan walba oo katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed lasiiyay lacag dhan Toban Kun oo dollar islamarkaana lacago kale loo ballan qaaday haddii ay doortaan Musharraxa dowladdu wadato.

Laaluushidda Xildhibaannada maamulka Baydhabo ayay Kheyre iyo Farmaajo u xilsaareen Nin lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo bilo ka hor loo magacaabay taliye ku xigeenka Sirdoonka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Kurisigiisa loo bira tumanayo ayaa isna magalada Baydhabo ka wada abaabul siyaasadeed wuxuuna shirinayaa saraakiisha maamulkiisa.


Halkan ka degso Video-ga ama Hoos Ka Daawo


Related Items