Daawo Sawirro: Kaalin Shidaal Casri ah oo Laga Furay Degmada Saakow.

Saturday November 03, 2018 - 12:02:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Kaalin Shidaal Casri ah oo Laga Furay Degmada Saakow.

    Horumarka dhanka ganacsiga iyo adeegga bulshada ayaa kusoo badanaya wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka. waxaa bil walba gobolka kusoo biira xarumo ganacsi iyo dhismayaal cusub oo ay Masaajid iyo Hoteello kamid yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka dhanka ganacsiga iyo adeegga bulshada ayaa kusoo badanaya wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka. waxaa bil walba gobolka kusoo biira xarumo ganacsi iyo dhismayaal cusub oo ay Masaajid iyo Hoteello kamid yihiin.


Degmada Saakow oo kamid ah degmooyinka horumarka sameynaya ayaa waxaa dhawaan laga hir galiyay kaalin shidaal oo hab casri ah u shaqeeya.

Kaalinkan oo qaadkiisu weyn yahay ayaa waxaa furtay ganacsato shirko ah kana mid ah bulshada degmadan. Kaalinkan ayay wadayaasha gaadiidku sheegeen inuu aad uga fiican yahay bakhaarada shidaalka lagu iibiyo ee ay Fuustooyinka yaallaan.

Halkan ayaa wuxuu leeyahay shuruudo laga doonayo qofka soo galaya waxaana kamid ah inaanu wadan Telefoon iyo wax walba oo Electric ama Electronic ah.











Related Items