Al Shabaab Oo Sheegtay in 5 askari ay ku dishay Qarax Ka dhacay deegaanka Weydoow Ee Duleedka Muqdisho.

Saturday November 03, 2018 - 19:22:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegtay in 5 askari ay ku dishay Qarax Ka dhacay deegaanka Weydoow Ee Duleedka Muqdisho.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararka ka imaanaya deegaanka Weydoow ayaa sheegay in qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada loo yaqaan Bangaraafta calooshood u shaqeystayaasha ah ee dowladda Mareykanka ay ku tababartay garoonka diyaaradaha Balidgoogle.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari Cabdi Bile ah uu ku burburay qaraxa waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii la socday gaariga la beegsaday.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in 5 askari ay ku dishay qaraxa tira kalane ku dhaawacmeen "Mujaahidiinta ayaa deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho qarax kula beegsaday maleeshiyaadka Murtadiinta Bangaraafta loo yaqaan,saraakiisha mujaahidiintu waxay noo xaqiijiyeen dhimashada 5 askari iyo dhaawaca tira kale" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib lamaqlay rasaas xooggan oo ay furayeen ciidamada weerarku haleelay, waa maalintii 3-aad xiriir ah oo qaraxyo ay lakulmayaan ciidamada Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan kuwaas oo isaga kala gudbayay wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Wanllaweyn.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items