Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Oo Lagu Weeraray Sh/Hoose iyo Jubbada Hoose.

Saturday November 03, 2018 - 19:55:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Oo Lagu Weeraray Sh/Hoose iyo Jubbada Hoose.

    Weeraro isugu jiray dhabbagallo iyo qaraxyo ayaa ciidamo katirsan AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday Gobollada Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro isugu jiray dhabbagallo iyo qaraxyo ayaa ciidamo katirsan AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday Gobollada Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegay in qaraxyo is xigxigay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dowladda Uganda lagula beegsaday deegaanka Buufoow.

Qaraxyada ayaa haleelay ciidamo lugeynayay waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray, sidoo kale weerar dhabbagal ah ayay lakulmeen ciidamo marayay meel ku dhow deegaanka Lambar ee Sh/Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen, dhinaca kale iska hor'imaadyo xooggan ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo.


Xoogaga Al Shabaab ayaa la sheegay in ay si adag uga hortageen dhaq dhaqaaq ay maleeshiyaadka Axmed Madoobe ka sameeyeen deegaanka Baar Sanguuni, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay maleeshiyaadka dib ugu celiyeen saldhigga ay ku leeyihiin duleedka Baarka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items