Xarakada Taliban Oo Ka Hadashay Dilkii Wadaad Caan ka ah Wadanka Pakistan.

Sunday November 04, 2018 - 11:00:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Taliban Oo Ka Hadashay Dilkii Wadaad Caan ka ah Wadanka Pakistan.

    Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ka tacziyaysay dilka Sheekh Samiicul Xaq oo kamid ahaa culimaa'udiinka ugu caansan wadanka Pakistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ka tacziyaysay dilka Sheekh Samiicul Xaq oo kamid ahaa culimaa'udiinka ugu caansan wadanka Pakistan.


Bayaan kasoo baxay imaarada islaamiga ah ayaa lagu sheegay in dilka Sheekha uu khasaara weyn ku yahay umadda islaamka iyadoo kuwa dilay sheekha ku tilmaamtay kuwa cadow ku ah islaamka iyo muslimiinta una adeegaya cadowga.

Imaarada Islaamiga ah waxay bayaankeeda ku sheegtay in sheekh Samiicul Xaq uu cumrigiisa oo dhan ah kusoo qaatay u adeegidda islaamka iyo muslimiinta wuxuu maamule iyo Macallin ka ahaa Madaarista Jamciyadda Islaamka Pakistan.


Habeen hore ayay kooxo aan heybtooda lagaran waxay duleedka magaalada Islama'abaad ku dileen Sheekha oo 80 sana jir ah xilli uu isku diyaarinayay in uu ka qeyb galo Mudaaharaad ballaaran oo lagu difaacayo Nabigeenna Maqaamka sare leh ee Muxamed SCW


Related Items