Sarkaal American Ah Oo lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Kaabul.

Sunday November 04, 2018 - 12:50:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal American Ah Oo lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Kaabul.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo ka dhacay mid kamida saldhigyada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin magaalada Kaabuul ee caasimadda wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo ka dhacay mid kamida saldhigyada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin magaalada Kaabuul ee caasimadda wadanka Afghanistan.


Askari Afqaani ah oo katirsanaa ciidamada melleteriga wadankaas ayaa weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo American ah wuxuuna halkaas ku dilay sarkaal ciidan sida lagu xaqiijiyay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee  Afghanistan.

Major Brent Tyler oo kasoo jeeda magaalada Ojdan ee waqooyiga Mareykanka ayaa meydkiisa goobta laga qaaday, taliska Mareykanka ayaa dhacdadan ku sifeeyay isku dhac saaxiibtanimo, warbaahinta maxalliga Afghanistan ayaa sheegtay in askari ka carooday hab dhaqanka ciidamada Americanka ah uu weerar ku qaaday soo duulayaasha.


Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa war ay soo saartay ku bogaadisay weerarada nuucaan ah waxayna ku sheegtay howlgal uu fuliyay askari ka qiirooday xummaanta gummeystayaasha Mareykanka ay ku hayaan shacabka Afghanistan.

Weeraradan nuucaan ah ee ay fuliyaan askarta xukuumadda Kaabuul ayaa sanad walba ka dhacay saldhigyada melleteri ee cadowga wadajirka ay deganyihiin, dadka Afqaaniyiinta oo ah kuwa qiira badan ayaan marna raalli ka aheyn in ciidamo ajaanib ah ihaaneystaan waxayna ka xigaan dhimasho.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items