Qarax Askar Bangaraaf ah Lagu Dilay oo Markale ka dhacay Duleedka Balidoogle.

Sunday November 04, 2018 - 13:03:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Askar Bangaraaf ah Lagu Dilay oo Markale ka dhacay Duleedka Balidoogle.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay markale lala beegsaday ciidamo Bangaraaf ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay markale lala beegsaday ciidamo Bangaraaf ah.

Qarax xoogan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay inta udhaxaysa garoonka diyaaradaha Balidoogle iyo degmada Wanllaweyn ayaa sababay dhimashada 5 askari iyo dhaawac soo gaaray 6 kale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen maleeshiyaadka loo yaqaan Bangaraaf ee dowladda Mareykanka tababartay.

Ciidamada oo ka amba baxay dhanka Saldhigga Balidoogle ayaa kusii jeeday magaalada Muqdisho, waa qaraxii labaad oo saacado kooban gudahood lagu beegsado maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha ah shalay ayay aheyd markii duleedka Muqdisho qarax ka dhacay lagu dilay 5 askari.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items