Al Shabaab Oo Sare Uqaadday Weerarada Ay Ku Beegsanayso Ciidamada Mareykanku Tababaray Ee Bangaraafta loo yaqaan.

Monday November 05, 2018 - 07:54:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sare Uqaadday Weerarada Ay Ku Beegsanayso Ciidamada Mareykanku Tababaray Ee Bangaraafta loo yaqaan.

    Xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee dowladda Mareykanku tababartay kuwaas oo qeyb ka ah duullaanka shisheeye ee dalka lagusoo qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka ayaa Somalia ka dhisay maleeshiyaad dabadhilifyo ah
Xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee dowladda Mareykanku tababartay kuwaas oo qeyb ka ah duullaanka shisheeye ee dalka lagusoo qaaday.

72-dii saacadoo ee lasoo dhaafay ayaa 6 qarax lagu beegsaday maleeshiyaadka Mareykanku tababaray weeraradaas oo ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, weerarada oo isugu jiray jidgal iyo qaraxyo ayaa gallaaftay nolosha ugu yaraan 11 askari iyo dhaawaca 10 kale.

Weerarada ugu khasaaraha badan waxay ka dhaceen deegaannada Warmaxan,Weydoow iyo Wanallaweyn oo dhammaantood katirsan Sh/Hoose, sidoo kale weeraro ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan hal askari Bangaraaf ah.


Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarka ka dhacay Baar Sanguuni lagu beegsaday kolonyo ciidamo American ah oo ay qeyb ka ahaayeen maleeshiyaad Soomaali ah iyo ciidamo katirsan Melleteriga Kenya.

SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items