Yariisoow Oo Barakicinaya Shacabka Deggan Dhismihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Monday November 05, 2018 - 10:33:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yariisoow Oo Barakicinaya Shacabka Deggan Dhismihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

    Tobanaan qoys oo deggan dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha magaalada Muqdisho ayaa wajahaya xaalad adag kadib markii amar lagusiiyay in ay isaga guuraan dhismaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qoys oo deggan dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha magaalada Muqdisho ayaa wajahaya xaalad adag kadib markii amar lagusiiyay in ay isaga guuraan dhismaha.

Wafdi uu hoggaaminayay Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadira ayaa shalay booqday dhismaha wasaaradda oo kuyaal degmada Boondheere.

Yariisoow ayaa qoysaska deggan wasaaradda amar kusiiyay in si dhaqsi ah uga guuraan haddii kale tallaab laga qaadi doono wuxuu sheegay in dib udhis lagu sameynayo.

Qoysaska deggan dhismihii wasaaradda arrimaha gudaha ayaa warbaahinta u sheegay in muddo sanada ah ay deganaayeen islamarkaana aysan haysan meel ay degaan.


Majirin wax kaalmo ah oo Dowladda Federaalka ay siisay qoysaskan ay sida qasabka ah uga saarayso wasaaradda arrimaha gudaha degmada Boondheere, dhowr mar ayay maleeshiyaadka DF-ka qoysas barakacayaal ah si qasab ah uga saareen dhul dan guud ah kadibna waxaa ka dhashay xiisada colaadeed oo khasaara sababay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items