Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka oo Markale lagu Weeraray Degmada Huriwaa.

Monday November 05, 2018 - 13:22:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka oo Markale lagu Weeraray Degmada Huriwaa.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa xalay markale weeraro xooggan ka geystay mid kamida degmooyinka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa xalay markale weeraro xooggan ka geystay mid kamida degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya degmada Huriwaa ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay xalay fiidkii ka dhaceen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weerar ku qaadeen isku imaati ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in weerarad ay khasaara dhaliyeen.

Habeennadii lasoo dhaafay ayay ciidamada Al Shabaab weeraro toos ah ka geysanayeen saldhigyo ciidan oo kuyaal xaafado katirsan degmada Huriwaa oo dhacda Waqooyiga magaalada caasimadda ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items