Mukhtaar Rooboow oo helay Shahaadada Musharaxnimo iyo Guddoomiyihii Doorashada Koonfur Galbeed oo iscasilay.

Monday November 05, 2018 - 19:13:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Rooboow oo helay Shahaadada Musharaxnimo iyo Guddoomiyihii Doorashada Koonfur Galbeed oo iscasilay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu iscasilaad ku dhawaaqay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu iscasilaad ku dhawaaqay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Carfo Ibraahin Aada ayaa warbaahinta u sheegay in uu xilka iska wareejiyay balse ma sheegin sababta, ilo wareedyo ayaa sheegaya in cadaadis siyaasadeed oo guddoomiyaha uga yimid dhanka DF-ka uu xilka isaga casilay.

Sidoo kale waxaa maanta gelinkii dambe xilkii wasiirnimo iska casilay Cabdi Casiis Lafta gareen oo kamid ahaa golaha wasiirrada Dowladda Federaalka islamarkaana ah musharax utaagan xilka madaxtinimada maamulka Baydhabo.


Dhinaca kale dhammaan musharixiinta hunguriga uga jiro in ay hoggaamiyaan maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta guddoomay shahaadooyinka sugaya musharaxnimadooda.

Mukhtaar Rooboow ayaa noqday musharrixii ugu horreeyay ee laguddoonsiiyo shahaadada, kalimad kooban oo uu goobta ka jeediyay ayuu ku sheegay in uu ku faraxsanyahay shahaadada isagoo ballan qaaday in uu ku qanci doono natiijada doorshada kasoo bixi doonta.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items