Al Shabaab Oo Sarkaal Boolis Ah Ku Dishay Duleedka Muqdisho Gaari iyo Hub uu watayna ka qaadatay.

Monday November 05, 2018 - 20:06:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sarkaal Boolis Ah Ku Dishay Duleedka Muqdisho Gaari iyo Hub uu watayna ka qaadatay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar qorshaysan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore weerar alshabaab ay fulisay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar qorshaysan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag hubeysan ayaa deegaanka Macaane ee duleedka Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaalida sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay.

Ragga weerarka geystay ayaa horay usii qaatay gaari nuuca raaxada ah yo Qori AK47 ah oo uu watay sarkaalka ladilay, warar soo baxay waxay sheegayaan in sarkaalka Meydkiisa laga tuuray gaarigiisa kadibna ay kooxihii falka geystay ula dhaqaaqeen meel aan la aqoonin.


Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda weerarkii galabta ka dhacay deegaanka Macaane sida ay baahusay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha "Ciidamada Mujaahidiinta ayaa deegaanka Taree dishe ku dilay sarkaal katirsan Booliska Murtadiinta waxayna ka qaniimeysteen gaari uu watay iyo qori AK47 ah" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay xoogaga Al Shabaab askar iyo saraakiil ku dileen deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho sida Ceelasha Biyaha iyo Siinka dheer.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items