3 Askari Oo Ciidamada AMISOM looga Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha.

Tuesday November 06, 2018 - 09:39:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Askari Oo Ciidamada AMISOM looga Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha.

    Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qaraxyo xooggan ay ka dhaceen isgoyska Ex-Control Balcad kuwaas oo lala eegtay ciidamo Afrikaan ah oo wadada marayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax AMISOM lagula eegtay Muqdisho
Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qaraxyo xooggan ay ka dhaceen isgoyska Ex-Control Balcad kuwaas oo lala eegtay ciidamo Afrikaan ah oo wadada marayay.


ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in mid ka mid ah qaraxyada lala helay gaari Booyad ah oo ay wateen ciidamada Shisheeye, taas oo la sheegay in ay soo gaartay waxyeelo xoogan.

Qaraxa labaad oo isna ku diyaarsanaa goob aan sidaas kaga fogeyn halka uu ka dhacay qaraxa hore ayaa la sheegay in isagana lala helay ciidamo ka soo degay gaadiidka oo difaacyo ka xirtay aagga uu qaraxu ka dhacay.


Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyada qaraxyadan ayaa xaqiijisay in qaraxyadaas lagu dilay ugu yaraan 3 askari, laguna dhaawacay 7 kale, iyagoona tilmaamay in booyadu ay waxyeello xoogan soo gaartay balse aysan wada burburin.

Ciidamada AMISOM ee lala eegtay qaraxyadan ayaa ah kuwa badanaa gurmadka iyo zaadka geeya xerada  Maslax ee duleedka Muqdisho waxaana dhowr jeer ay la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah oo looga gubay gaadiid, askarna looga laayey.

Si ay uga gaashaantaan khasaaraha joogtada ah ee ka soo gaaraya wadadaas xalay saqbarkii ayay qaadeen gurmadka oo ay geeyeen xerada Maslax  balse saaka markii ay dib u soo noqdeen ayaa lala helay weeraradii ay ka xeeladeysanayeen.

Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa iyagoo careysan si indha la'aan ah rasaas ugu furay dadka shacabka ah ee ka ag dhawaa goobta waxaana la sheegay in ay rasaasta ku dhinteen ugu yaraan afar ruux oo shacab ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items