Xeelado Siyaasadeed oo uu lasoo shir tagay Shariif Sakiin Ayaa Xiisado ka dhaliyay Magaalada Baydhabo.

Tuesday November 06, 2018 - 11:01:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeelado Siyaasadeed oo uu lasoo shir tagay Shariif Sakiin Ayaa Xiisado ka dhaliyay Magaalada Baydhabo.

    Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka xiisadaha siyaasadeed ee kajira ayaa cirka iskusii shareeray saacado kadib markii ay iscasilaad ku dhawaaqeen mas'uuliyiintii ugu sarraysay guddiga doorashooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka xiisadaha siyaasadeed ee kajira ayaa cirka iskusii shareeray saacado kadib markii ay iscasilaad ku dhawaaqeen mas'uuliyiintii ugu sarraysay guddiga doorashooyinka.

15 xunood oo ay kamid yihiin guddoomiyihii guddiga doorashooyinka iyo ku xigeenkiisi ayaa iscasilay waxaana gilgilanaya guddigii doorashada madaxtinimada agaasimi lahaa.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in isbedello lagu sameyn doono madaxda guddiga doorashada islamarkaana dib udhac uu ku imaan karo waqtiga ay doorashadu dhacayso.

Shariif Sakiin oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa adeegsanaya xeelado siyaasadeed oo uu ku wajahayo faragelinta uga imaanaya Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in iscasilaadda xubnaha guddiga doorashooyinka uu gadaal ka riixayo shariif Xasan ujeedkuna waa in dib udhac uu ku yimaad doorashada si uu fursad ugu helo abaabul siyaasadeed oo uu sameeyo.

Xildhibaanno Lacago Boqolaal kun dollar ah lagusiiyay Hoteello kuyaal magaalada Muqdisho iyo dardarta ay Baydhabo ka wadaan Xuseen Uurkuus iyo Lafta Gareen ayaa qoob gariir siyaasadeed ku ridday Shariif Xasan.

Xubnihii guddiga doorashada 'Koonfur Galbeed' ee shalay iska casilay xilalkii ay hayeen ayaa sheegay in faragelin daran lagu hayo shaqadooda sidaas daraadeed ay go'aansadeen in ay iscasilaan.

Waxaa laga cabsi qabaa in xarig jiidka siyaasadeed ee Baydhabo kajira uu isku bedelo gacan ka hadal inkastoo ciidamada Xabashida Itoobiya ee magaalada heysta ay goor hore dhinacyada ugu digeen adeegsiga awood melleteri.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items