Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay Sh.dhexe.

Tuesday November 06, 2018 - 11:39:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay Sh.dhexe.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaal deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaal deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab shalay gelinkii dambe ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaal deegaanka Miirtaqwo ee sh/dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen, war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay dileen hal askari oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle islamarkaana ay dhaawaceen 2 kale.

Idaacadda Andalus ayaa sheegtay in xoogaga jihaadiga ah ee weerarka qaaday ay horay usii qaateen sedax qori AK47 ah iyo rasaas "Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Miirtaqwo waxay ku dileen hal askari laba kalane waa dhaawaceen sidoo kale sedax qori ayaa cadowga lagasoo qaniimeystay" ayaa lagu yiri war ay baahisay Andalus.


Boqolaal katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saldhigyo ku leh sedax deegaanka oo dhanka waqooyi iyo Bari uga beegan magaalada Mahadaay ee Sh/dhexe.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items