Ciidamada DF-ka Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

Tuesday November 06, 2018 - 12:01:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada DF-ka Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

    Xalay fiidkii ayay ciidamada Booliska dowladda waxay rasaas ku fureen mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah xilli ay mareysay xaafadda Ceelqalaw ee degmada Wadajir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalay fiidkii ayay ciidamada Booliska dowladda waxay rasaas ku fureen mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah xilli ay mareysay xaafadda Ceelqalaw ee degmada Wadajir.

Goob jogayaal ayaa sheegaya in toogashada ay ku dhimatay haweenay lagu magacaabi jiray Safiya Cabdi Raxmaan oo macalimad ka aheyd mid kamida iskuullada degmada Wadajir.

Darawalkii Mootada iyo qof kale oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta lagu furay Mootada, askartii toogashada geysatay ayaa la sheegay in ay isaga baxsadeen goobta.

Dilalka ka dhanka ah dadka shacabka ah oo ay geystaan ciidamada dowladda Federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items